Laamaha ammaanka Hirshabeelle oo Codsi u diray Shacabka Jowhar

Ciidamada ammaanka Booliska dowladda ee Haramcad, AMISOM iyo kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa saakay howlgalo ballaaran ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas.

Ciidamada oo iskaashanayay ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka saakay isticmaalayey waddooyinka Magaalada Jowhar, iyagoona su’aalo la xiriira dhinaca weydiinayay shacabka gaar ahaan dhalinyarada.

Taliyaha Saldhiga Booliska Jowhar G/Dhexe Bashiir Xasan Cali Fooyow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka ay sameeyeen Ciidamada uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda Hirshabeelle.

Sidoo kale Taliye Bashiir Xasan ayaa shacabka Magaalada ka codsaday inay kala shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan, si looga hortego falalka amni darro, wuxuuna xusay in howlgalada ay sii socon doonaan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay inay doonayaan in si nabad ah ay Magaalada Jowhar uga dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, isla markaana u taagan yihiin sugida amniga, xili halkaas maalmaha soo socda ay ka dhaceyso doorasho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor