Laamaha ammaanka Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Khamri farabadan iyo dadkii watay

Laamaha ammaanka Gobolka Mudug ayaa xalay gacanta ku dhigay maandooriye kala duwan, kadib markii Ciidanku ay sameeyen howgallo qorsheysan.

Ciidanka ayaa qabtay 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyinka Maandooriyaha Khamriga, waxaan si gaar ah looga qabtay laanta 5aad xaafada Yameyska ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadda amniga oo hawlgalkaan kusoo qabtey tiradii ugu badnayd oo ah maandooriye khamri oo la doonayay si sharci daro ah in looga ganacsado waxay sheegeen saraakiisha ciidamaddu inuu socon doono hawlgalkaan.

Degaanada Gobolka Mudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxa loogu soo qabtay Khamri farabadan iyo dadkii watay, waxaan Taliska Booliosku ay horay usoo bandhigeen Maandooriye si sharci darro ah ay degaanadaasi dad ka ganacsada Muqaadaraadka ay u soo galiyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor