kursiga HOPE-203 oo lagu doortay Magaalada kismaayo

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP-203 kadib markii ay soo gaba gaboowday tirinta cododka.

Gudoomiyaha Guddiga Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP 203.

Waxaana ku guulaystay Hamse Cabdi Barre oo helay 69 cod,halka Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu helay 17 cod.

15 cod ayaa halaabay, sidaana waxaa ku guuleeystay Xamse Cabdi Barre.

Guddiga ayaa guda gali doona kuraasta kale ee kala ah:

2-HOP 108 waxaa ku tartamaya

Maxamed Cali Cumar

Ibraahim Cabdulle Ibraahim

3-HOP-113 waxaa ku tartamaya

Saynab Cali Muganga

Maryan Aweys Jaamac

4-HOP-134 waxaa ku tartamaya

Sahra Jaamac Cali

Fartuun Axmed Yuusuf

5-HOP-082 waxaa ku tartamaya

Siyaad Aadan Iidle

Cabdirashiid Jire Qalinle

6-HOP-217 waxaa ku tartamaya

Xasan Cabdi Ismaaciil

Maxamed Farax Muxumed