Kumannaan Muhaajiriin ah oo isku dayaya in ay xoog ku galaan dalka Poland

Waxaa jira muuqaal muujinaya boqolaal qof oo ka ag dhaw xayn-daabka siliga, kuwaas oo qaarkood isku dayaya in ay xoog ku maraan.

Dowlada Poland ayaa qabaneysa kulan deg-deg ah oo looga jawaabayo cabsi laga qabo in tiro badan oo muhaajiriin ah oo ku sugan Belarus ay isku dayaan inay xoog uga gudbaan xadka Poland.

Warsaw ayaa xukuumadda Minsk ku eedaysay in ay iska soo riixday muhaajiriinta aaggaasi ku sugan.

Kumanaan booliis iyo askar dheeri ah ayaa la soo dhoobay xadka. Dalalka Poland, Lithuania iyo Latvia ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay sare u kacday tirada dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah dalalkooda ku galaan kuwaas oo intooda badan ka yimid Bariga Dhexe iyagoo soo maraya Belarus.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay madaxweyne Lukashenko inuu ku takri falay muhaajiriinta isagoo reer galbeedka uga aargoosanaya cunaqabateynta ay saareen ka dib markii lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen xuquuqda aadanaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor