Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow furmay

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay mid kamid ah kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Maanta looga doodayo laba Ajende.

Kulanka oo ah kii 6-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa xarunta ku sugan 167 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay ka doodista xeerka Matalaada gobolka banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada Waqooyi, iyadoona Xildhibaanada Golaha ay Maanta  labadaas xeer ka yeelan doonaan dood adeg.

Labada sharci ay Xildhibaanada doodayaan ayaa waxaa uu kamid yahay sharciyo dhowr ah oo ay soo diyaareen Guddiga labada Aqal ee loo xilsaaray arrimaha dhameystirka sharciga Doorashooyinka ee dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media