Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Goordhow furmay

Waxaa Goordhaw Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka 18-aad kalfadhiga 7-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa kulankaas goobjoog ka ah 142 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhameystirka iyo U Codeynta Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, iyadoo Xildhibaanada Golaha ay horey Sharcigaas usoo marsiiyeen Akhrinta Koowaad iyo labaad.

Hoos ka Akhriso Ajendayaasha kulanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media