Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo 15 Xildhibaan oo ka maqan

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Maanta siweyn Isha lagu wada haayo.

Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, U codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeenka ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 139.

Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhibaan oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal la joojiyay ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka, kadib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fowdo iyo buuq kulankii sabtida.

Xildhibaanada laga mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa sheegay inay siweyn uga soo horjeedan qorshaha Guddoonka ku doonaya in muddo kordhin loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor