Kulanka G/ Wakiillada Somaliland oo aan furmin iyo gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaanada qaar

Kulanka Golaha Wakiillada Somaliland ayaan ilaa iyo hadda furmin Koorom la’aan darted, waxaana taagan dood xooggan, iyadoo aysan Xildhibaanadu ay u kalajabeen labo garab oo iska soo hor jeeda.

Muxaafidka iyo Xildhibaano kale oo taabacsan ayaa bannaanka uga baxay kulanka,waxaana hadda Warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada dibad joog ah,kuwaasi oo la dhacsan sida uu wax u wado Muuse Biixi.

Xildhibaanada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxa socda aan loo dul qaadan Karin ayna jirto sharci ku tumasho ay sameeynayaan Xubnaha Mucaaradka iyo Xildhibaaanda Taabacsan, waxaana ay ka biyo diideen  in ay ka qayb galaan kulanka Golaha.

Sidoo kale wararka qaar ayaa tilmaamaya in Xildhibaanada uu gacan ka hadal dhexmaray,inkastoo Ciidanka Ammaanka ay xaaladda dajiyeen sida wararku sheegayaan oo ay kala dhex-galeen Xubnaha gacan ka hadalku dhex-maray.

Buuqa iyo Khilaafka ayaa ka dambeeyay kadib markii Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu  sheegay in isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay.

Waxaana Saleebaan Cali Koore  uu sheegay in arrintaan aaney hadda wax dood ahi ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aaney u oollin xitaa Golaha Wakiillada Soomaaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.

Balse  Xisbiyada Mucaaradka ayaa si toos ah kaga hor yimid arrintaasi, iyoo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani ay dhankooda qabteen Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in marnaab aysan aqbalin doonin tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor