Kulanka Baarlamaanka Puntland oo furmay iyo Dood adeg oo socota

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socdaKulan Deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, iyagoo uga hadlaya arrimo kala duwan.

Ajendayaasha uga waaweyn ee kulanka Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa kala yihiin dood kulul oo ku aadan xeerka Matelaadda Gobolka Banaadir oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ansixiyeen iyo Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ku-xigeenadiisa, isla markaana waxaa goobjoog ka ah inta badan Xildhibaanada Maamulkaas.

Markii uu soo dhamaado kulanka ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Puntland ay soo saaraan Go’aan adeg oo ay ka qaateen xeerrka Matelaadda Gobolka Banaadir oo Golaha Shacabka ansixiyeen iyo Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa shalay sheegay inay soo horjeedan Go’aanka lagu ansixiyay Metelaadda Gobolka ee 13-xubnood looga siiyay Aqalka sare ee dalka, iyagoona arrintaas ku tilmaamay mid sharci darro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media