Kulan looga hadlay Amniga oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay amniga oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaa ahna Caasimadda Maamulka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga guud deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan midka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Wasiir Cabdisamad Maxamed ayaa Warbixino la xiriira amniga ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada, Milateriga, Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Garoowe, iyagoona Warbixino ka siiyay howlaha lagu sugayo amniga ee socda.

Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyeyaasha ka qeyb galay kulanka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa soo saaray go’aamo lagu adkaynayo amniga Caasimadda Puntland iyo guud ahaan deeganada Puntland.

Kulanka  waxa ka qayb galay Lataliyaha Amniga Madaxweynaha, Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa degmada Garoowe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor