Kulan looga hadlay Amniga Doorashada oo ka dhacay Dhuusamareeb

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyay shirka amniga doorashooyinka Galmudug ee dhacaya Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka waxaa ka qeyb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed iyo maamulka Caasimada.

Shirka waxaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Taliyaha Booliska Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garooben sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb iyo Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug sida ay ugu diyaar garobeen Doorashada waxana u faray in la si labo jibaaro dadaalada logu diyaar garobayo Doorashada Galmudug

“Sida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirta dagaal ka dhan ah Al-shabaab waxan go,aansanay in gacana aan Al-shabaab ku suulino gacana aan Doorasho ku galno” ayu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor