Kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Degmada Diinsoor

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow oo ay Wehlinayaan Xubnaha kale ee Maamulka ah ayaa waxaa ay kulan looga hadlayay Amniga la Qaateen Saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmadaasi.

Kulanka ayaa looga hadlayay amniga magaalada iyo tuulooyinka ku dhow-dhow Magaalada Waxaana ka qeyb galay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta koofur Galbeed ee ku sugan degmada, waxaa kaloo joob joog ka ahaa  taliyaha saldhiga booliska Degmada iyo Xubnaha kale ee maamulka degmada.

”Runtii waxaan isla meel dhignay qodobo muhiim u ah amniga deegaanka sidoo kale in la Sameeyo howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab”yuu yiri Guddoomiyaha degmada Diinsoor.

Ugu dambeyn shirka ayaa ku soo idlaaday is-afgarad buuxa iyo in sida ugu dhaqsiyaha Badan loo fuliyo qodobadii la isku afgartay shirka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor