Kulan looga hadlay Abaaraha jira oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Baladweyne

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne Maanta kulan kula qaatay guddiga Abaaraha Gobolka Hiiraan oo ka kooban qeybaha bulshada.

Madaxweyne ku-xigeen Yuusuf Daba-geed ayaa warbixin ka dhagestay Guddiga Abaaraha Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku howlan weli caawin qoysaska sameynta ku yeelatay abaarta ka jirta qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beeyle ayaa ballan qaaday in haddii ay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ay kaalintooda ka ciyaari doonaan garab istaaga qoysaska Abaarta aay sameynta ku yeelatay.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed ayaa u ballan qaaday Guddiga Abaaraha Gobolka Hiiraan in Maamulka horay uga qeyb qaadatay gurmadka dadka Abaarta saameyn ku yeelatay welina aay diyaar u yihiin in kaalintooda aay ka soo dhalaalaan.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Nuur Iidoow Beeyle oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabelle iyo Saraakiil Ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor