Kulan looga hadlaayay Amniga oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka bari G/Sare C/qaadir Jaamac Dirir ayaa shir gudoomiyey shirka amniga Gobalka Bari , kaas oo Maanta diirada lagu saaray , xaaladihii ugu danbeyey ee amniga Gobolkaas.

Kulankas oo looga hadlayey sare u qaadista amniga iyo isdhexgalka bulshada Gobalka Bari, shirkaan oo ay kaso qeyb galeen Saraakiisha laamaha amniga ee Gobalka, waxaana warbixin ka dhageystey lamaha madaxa banaan iyo Saldhigyada Booliska.

Taliye G/Sare C/qaadir Jaamac Dirir ayaa laamaha amniga qeybahooda kala duwan faray inay dardar-geliyaan sugida amniga Magaalada Boosaaso, sidoo kalena shacabka dalbaday inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro..

Sidoo kale Taliyaha Booliska Gobolka Bari ayaa uga digay dadka faafinaya wararka been abuurka ah ee lagu khal-khal geliyo shacabka Boosaaso, wuxuunka dadkaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo doonaya lacag.