Kulan looga hadlaayay Amniga oo ka qabsoomay Boosaaso, xili ay weli ka jirto xiisad

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabduqaadir Jaamac Diri ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha Booliska Gobolka Bari oo ka qabsoomay Magaalada Boosaaso eeXarunta Gobolkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay ammaanka guud ee Gobolka Bari iyo sidii markasta kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni, Taliyaha ayaana Saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka guud ee Gobolka iyo kan Boosaaso.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa looga arrinsaday waxyaabaha ka qasoomay qodobo ay Saraakiisha uga hadleen kulankii ay yeesheen todobaadkii hore, kuwaasi oo la xiriiray sugida ammaanka.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabduqaadir Jaamac Diri ayaa laamaha amniga faray inay dardar-geliyaan howlahooda, isagoona bulshada Gobolka ku boggaadiyey wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga.

Kulankaan ka qabsoomay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo weli Magaaladaas ka jirto xiisad u dhexeeysa Ciidanka Puntland iyo kuwa PSF-ta oo ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimahihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor