Kulan looga hadlaayay amniga Magaalada Muqdisho oo Maanta qabsoomay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta oo sabti ah kulan la qaatay saraakiisha Booliska qeybahooda kala duwan, waxaana kulankaas looga hadlay amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska dowladda ka sameeyeen degmooyinka Gobolka Banaadir iyo sidii loo dardar galinta howlaha lagu sugayo anniga Gobolka Banaadir.

Taliye Xijaar ayaa ku bogaadiyay hogaanada ciidanka dardar galinta howlaha amniga Gobolka iyo guud ahaan dalka, isagoo faray in lalaba jibaaro dadaalka xaqiijinta amniga iyo howlgalada laga fuliyo degmooyinka Muqdisho.

Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa faray Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska inay u diyaar garoowan Munaasabadda dabbaal degga Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20 bishaan December 2021.

Kulanka ayaa kusoo beegsaday, xili Ciidanka Booliska Haramcad ay howlgalo is-daba joog ka wadaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana howlgalada la sameeyay lagu soo qab-qabtay boqolaal dhalinyaro oo looga shakiyey inay wadeen falal amni darro, sidoo kalena lagu qabtay walxo qarxa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor