Kulan looga hadlaayay amniga deegaannada Jubbaland oo la qabtay

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlaayay amniga deegaannadaJubbaland oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray inta uu socday xaaladda amni ee deegaannada maaamulka Jubbaland, howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee socda iyo sidii wax looga qaban lahaa dilal qorsheysan oo ka dhacay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxbixino kala duwan ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan.

Waxaa uu sheegay Maxamuud Sayid in muhiim ay tahay la dardar-geliyo howlaha sugida amniga Jubbaland, wuxuuna Nabadsugida faray in laga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro ka dhacda Magaalada Kismaayo oo horey uga dhaceen weeraro iyo dilal qorsheysan.

Shacabka ku dhaqan deegaannada Jubbaland ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan  laamaha amniga maamulka, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ay geystaan  Al-shabaab.

Shirkan waxaa goobjoog Ka ahaa xubno ka tirsan Golaha wasiiradda Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada amaamulkaas, la taliyeyaal dhanka amniga ah iyo Saraakiil ka socotay hawlgalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media