Kulan looga hadlaayay Amniga deegaanada Koonfur Galbeed oo la qabtay

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug ayaa Maanta shir guddoomiyey Shirka Tobolaadlaha oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka.

Kulanka ayaa inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed iyo howlgalada Ciidanka Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka ay ka wadaan halkaas.

Wasiir Isxaaq Cali Subug ayaa Warbixino la xiriira dhinaca amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwo ka tirsan Ciidanka AMISOM, iyagoona ka Warbixiyay howlgalada ay fuliyeen Ciidanka.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed ayaa laamaha amniga maamulka qeybahooda kala duwan faray inay dardar-geliyaan sugida amniga, isla markaana ay xoojiyaan wadashaqeynta ka dhexeeysa, si looga hortego falalka amni darro.

Shirka Maanta qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha qeybta 60aad  Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi ( Ciirow ), Sarakiisha Ciidamada Booliska,  Nabadsugida, AMISOM ,iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay.