Kulan looga hadlaayay Ammaanka oo ka qabsoomay Magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey Amniga Gobolka Mudug oo ka qabsoomay Magaalada Gaalkacyo.

Intii uu shirka socday ayaa la isla gartay in la sii dar-dargaliyo sugista iyo adkayn Amniga Gobolka, sidoo kalena dib ushaqa bilowdo Maxkamadda Ciidamada Qalabka, si loo Maxkamadeeyo xubnihii ka haray Al-shabaab ee gacanta laamaha Amniga ku jira.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa laamaha amniga Gobolka faray adkeynta amniga, isla markaana laga hortego wax kast oo keeni kara amni darro dhacda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka Mudug, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Muumin Cabdishire, Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolada Mudug iyo Cayn, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka iyo Xeerilaalinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor