Kulan lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Xaraale iyo Huurshe oo la qabtay

Howlwadeeno ka tirsan xafiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay maanta kulan Heshiis ah oo  lagu xaqiijinayo Amniga deeganada Xaraale iyo Huurshe ee Gobolka Galgaduud kuwaa oo dhawaan laga dhaqan galiyey heshiis lagu dhameeyey colaad mudo ka dhex jirtay beelo walaalo ah.

Munaasabad lagu qabtay Xeraale ayaa waxaa isugu yimid qaybaha bulshada ee degaanadda Xeraale iyo Huurshe waxaana si wanaagsan looga hadlay dhameystirka heshiiskii horay ay u wada gaareen dhinacyada iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno masuuliyiin ah oo ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay qodobo lagu xaqiijinayo amaanka deegaanadani.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media