Kulan lagu taageerayay waxqabadka Ra’iisul Wasaare Rooble oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku taageerayeen waxqabadka Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ugu duceeyay inuu Eebbe ku garab galo, howsha doorashada dalka ee uu hormuudka u yahay.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda, waxaan sdioo kale qayb ka ahaa Odayasha dhaqan iyo waxgarad, kuwaasi oo bogaadiyay wax qabadka Rooble eek u aaddan intii uu xilka hahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxaa isi-soo taraya taageerada kala duwan ee ay u muujinayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaana haatan si gaar ah isha loogu hayaa arrimaha doorashooyinka, oo mas’uuliyaddoda uu la wareegay RW Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor