Kulan laga yeeshay sugida Amniga Muqdisho ee Maalmaha Xoriyadda

Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka ayaa waxaa Shir gudoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu layeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, saraakiil kasocday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay Adkaynta Amaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xoriyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa udiyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo  kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Goboladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo  ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media