Kulan laga yeeshay Dagaal ka dhacay Magaalada Baraawe

Kulan looga hadlaayay amniga Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qabsoomay Magaaladaas, kadib dagaal kooban oo maalin kahor ka dhacay gudaha Baraawe.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga Baraawe iyo kahor tegida wax kasta oo carqaladeenaya ammaanka Magaalada.

Guddoomiye Maxamed Cabdiraxiin ayaa laamaha amniga Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baraawe faray inay dardar-geliyaan howlaha nabadgalyada, isla markaana laga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed Saraakiisha amaanka Baraawe iyo gudoomiye ku-xigeenada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba Maalin kahor ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyay Ciidanka amniga Magaalada Baraawe iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Magaaladaas, waxaana maleeshiyaadka ay kasoo horjeedeen qaabka loo qeybsaday kuraasta Golaha degaanka ee Baraawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor