Kulan laga yeeshay amniga Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa kulan deg deg ah ku yeeshay laamaha kala duwan ee amniga dowlad Goboleedka Gamudug.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoomiyay Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf,isla markaana waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Booliska iyo nabadsugiga Galmudug,iyagoona kulanka uu qeyb ka ahaa Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka.

Sidoo kale  kulankan oo ahaa mid uu laamaha amniga Galmudug isugu yeeray Wasiir Saadaq Sheekh ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee amniga Galmudug iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ay ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay habeen kahor ay soo qabtaan Khamri farabadan iyo dadkii ka ganacsanayay,iyagoona Khamriga lagu burburay duleedka Dhuusmareeb,isla markaana xabsiga la dhigay dadkii ka ganacsanaayay,isdoo kalena sharciga la hor keeni doono.

Waxaa kale kulanka waxaa diirada lagu saaray howlgalada lagu sugayo amniga ee socda Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano kale  oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug,iyadoona Doorashada ay qaban-qaabinyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media