Kulan laga yeeshay Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa Maanta Shir guddoomiyey Shirka billaha ah ee Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta iyo kor u qaadista ammaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kamid ah marinada dalka looga soo galo, waxaana  Wasiir Duraan uu Warbixino ka dhageystay Hay’addaha Amniga.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda ayaa ugu dambeyn Maamulka Garoonka ka dhagaystay warbixin la xariirta dhismaha Parking-ka Garoonka Magaalada Muqdisho oo dhawaan dhismihiisa la bilaabayo.

Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Saraakiisha ammaanka ku boggaadiyay shaqada ay u hayaan shacabka iyo dowladda, isagoona ka dalbaday inay dardar-geliyaan adeegyada bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Saraakiisha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor