Kulan laga yeeshay Ciyaarta Fiinaalka ee Gobolka Banaadir iyo Galmudug

Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa Maanta kulan ka yeeshay Ciyaarta Fiinaalka ee tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Xamsa Saciid Xamsa ayaa ka wada hadlay xiritaanka tartanka kubada Cagta, kaasi oo la qorsheeyay in maalinta beri la soo gaba-gabeeyo.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xakameyn lahaa taageerayaasha xulalka Gobolka Banaadir iyo Galmudug, kuwaasi oo berrto wada ciyaari doona Fiinaalka tartanka Tartanka kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka

Madaxda xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa Maamulka Gobolka iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Xukuumadda siiyay tallooyin ku aadan qabsoomida kulankaas adeg ee Fiinaalka ah iyo arrimo kale oo ku aadan tartanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Gen. Maxamed Cabdi Xasan Xijaar iyo xubno kale ayaa goobjoog ka ahaa kulankaas oo siweyn loogu falanqeyay Ciyaarta adeg ee dhexmari doonta Gobolka Banaadir iyo Galmudug.

Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yarrisoow ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka ayaa waxaa soo buux-dhaafin doono boqolaal taageerayaal ah oo u kala taageri doona Ciyaartooyda meteleysa xulalka gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media