Kulan amniga looga hadlay oo dhexmaray W/Gaashaadhigga iyo ku-simaha Safaaradda Mareykanka

Wasiirka Gaashaadhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen waxa ay ugu yeeraan argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor