Kulamo lagu xalinayo dagaal beeleed dhacay oo bilowday

Maamulka Somaliland ayaa wada dadaadlo lagu xalinayo dagaal beeleed dhawaan ka dhacay deegaanka Fadhigaab ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Deegaanka Fadhigaab ee hoostaga Degmada Ceel-afweyn ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyagoo halkaas u tegay sidii loo xalin lahaa Colaad halkaas ku dhexmartay laba beeleed.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa kulan la qaatay la qaatey gudida nabadaynta Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, isla markaana kala hadla sidii loo joojin lahaa Colaadii ka dhacday Fadhigaab.

Sidoo kale Guddiga nabadeynta iyo Wasiirka ayaa iska xog-wareystay Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Fadhigaab, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay joojiyaan Colaada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal.

Deegaano hoostaga  Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, kuwaasi oo salka ku haaya arrimo la xiriir dul-daaqsimeedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media