K/S Ra’isul-wasaaraha oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Sweden

PMRa’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, waxaana kulankan sidoo kale ku wehliyay R.wasaare kuxigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dawle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda.

Wafdiga ayaa kala hadlay Xubnaha Golaha Xukuumadda ee ay la kulmeen, horumarinta Barnaamijka New Deal, iyadoo la isku soo qaaday arrimo dhowr ah oo ka mid tahay caqabadaha hortaagan fulinta howlaha mudnaanta leh ee ku jira Barnaamijka Hiigsiga cusub, (New Deal). Waxaana la isla gartay in si deg deg ah loo fuliyo mashaariicdii la ansixiyey ee barnaamijka Hiigsiga cusub, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah Hiigsiga 2016.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in wax badan aysan ka qabsoomin barnaamijyadii la qorsheeyey, isaga oo ka codsaday deeq-bixiyeyaasha in si deg deg ah loo fasaxo kharashaadkii la ballan qaaday si loogu fuliyo masharaacdii la ansxiyay. Isagoo tilmaamay qodobada u baahan in wax laga qabto ay ka mid yihiin Dastuurka, Caddaaladda iyo Amniga.

“Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Hiigsiga cusub uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowlad-nimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khasnadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxaana ka mid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeedka shirkan maanta aan la qaadanay Wafdigii ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah wuxuu ahaa, sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka Hiigsiga cusub. Waxaana goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ka mid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee barnaamijka Hiigsiga cusub ku xusnaa” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax yaabaha ay kala hadleen Dawladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan deeq-bixiyeyaasha, iyadoo rajo ka muujisay in la saxo caqabaddaha jira, lana dardargeliyo mashaariicdii la qorsheeyey fulintooda, sida ugu dhaqsaha badan.

PM 1 PM 2 PM 3 PM 4

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor