Kooxda Xizbullah oo dhaqdhaaqyo ka wadda dalka Colombia

Colombia ayaa sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed.

“Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinlaha ah ee El Tiempo.

Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan howlgalka dowladda.

Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia.

Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliyad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.

Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor