Kooxda hubeysan ee Tigray oo qabsatay Magaalo muhiim ah

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Tigrayga (TDF) oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay maanta qabsadeen mgaalladda Almata oo ah magaalladda ugu weyn Koonfurta Gobalka Tigrayga.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Getajew ReeTda waxa uu tilmaamay inay dagaalo kale ka socdaan Galbeedka Gobalka Tigrayga, isla markaana ay shalay la wareegeen magaalladda Raya ee Ismaamulka Amxaaradda.

“Waxaan ballan ku glnay inaan xoreynayo taako kasta oo ka tirsan Gobalka Tigrayga” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Kooxda TDF.

Duullaanka cusub ee ay Ciiddanka Tigrayga shalay bilaabeen  waxa uu ku soo beegmay 2 maalin kadib, markii la soo bandhigay Natiijadda Doorashooyinkii Ethiopia oo uu RW Abiy Ahmed ku guuleystay.

Ciiddanka Difaaca Tigrayga ee TDF waxay bishii hore dib u qabsadeen qeybo badan oo ka tirsan Goblka Tigrayga, oo ay ku jirto Caasimadda Gobalkaasi ee Mekhelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor