Kooxda Daalibaan oo u digtay Maraykanka iyo dil ka dhacay Kabul

Afhayeenka Xafiiska Siyasadda ee Kooxda Daalibaan oo la haday Telefishinka Al-Jazeera waxa uu uga digay Maraykanka inay joojiyaan Faragelinta dheeraad ee ay ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Afganistan.

Waxa kale oo uu ugu baaqay inay dhowraan Heshiiskii ay Labada dhinac ku saxiixdeen Caasimadda dalka Qatar ee Doha bishii Feberaayo ee sanadkii hore, kaasi oo dhigayey in la joojiyo colaada iyo inay Ciiddanka Maraykanka ka baxaan Afganistan ugu dambeyn bisha September 11-da ee sanadkan.

Hadalka Afhayeenka Xafiiska Siyasadda ee Kooxda Daalibaan waxa uu ku soo beegmay iyadoo Diyaaradaha Maraykanka ee B 52 ay duqeyn ku dileen in ka badan 200 oo Dagaalyahanada Daalibaan, kuwaasi oo ku sugnaa Caasimadda Gobalka Jawazjan ee Sheberghan ee Waqooyiga Afganistan.

Dhinaca kale, 2 Shaqaale oo ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkaasi ayaa la dilay, halka mid kalena lagu dhaawacay duleedka caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Telefishinka One TV News ayaa baahiyey in Shaqaalahaasi la toogtay, xilli ay gaari ku marayeen Degmadda Deh Sabaz ee W/Bari ee magaalladda Kabul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor