Xubno ka socday maamulka Koonfur Galbeed oo jawi Ismari-Waa ah galiyey shirkii Dawlada Federalka iyo Dawlad Goboleedyada. 

Xog ay heshay Dalsan ayaa sheegesysay in Shir maalmahan u socday guddi ka kala socday Madaxtooyada Soomaaliya iyo dawlad Goboleedyada ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday.
Villa  Soomaaliya ayaa bishii hore ka codsatay Qaramada Midoobay in ay casumaad u fidiyaan dawlad Goboleedyada. Qaramada Midoobay ayaa daddaal u gashay in guddi farsamo oo Villa Somalia iyo dawlada Goboleedyada ka socda ay khadka intern ka ee Zoom ka ku kulmaan.
Shir ayaa isku afgaran waayey taariikhda iyo goobta lagu kulmayo. Dawlad Goboleedka Puntland  ayaa soo jeedisay in 20 June la kulmo, laakiin dawlad Goboleedka South West ayaa ku gacan sayrtay soo jeedintaas, iyadoo sheegtay in dib loo dhigo shirka ilaa wixii ka danbeeya 15 Juulaay. Markii la waydiiyey sababta ayey diideen in ay wax sabab ah sheegaan oo aan ka ahayn in aysan diyaar ahayn. Galmudug oo doonaysay in ay shirka martigeliso ayaa soo jeedisay in 1 Luulyo laga dhigo.
Galmudug , Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyey in si loo dhiso kalsoonida dhinacyada ka dhaxayso marka hore lagu kulmo khadla internet ka ee Zoom ka, Laakiin waxaa mar kale ku gacan sayray Koonfur Galbeed oo diiday soo jeedintaas.
Si kastaba Markii soo jeedin walba ay meel marisay ayaa kulankii lagu kala dareeray. Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku hadlaysa afka Villa Somalia ayaa diidmo kala hor timid soo jeedin kasta ah oo suuragal ah, iyadoo igu danbayntii shirkii lagu kala dareeray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media