Koox Hubeysan oo Nabaddoon ku dishay Degmada Afgooye

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil goordhweyd Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose loogu gaystay Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey oo loo yaqaannay Bujis.

Wararka inaga soo gaaray Afgooye ayaa ku warrmaya in hlkaasi ayaa koox hubeysani ay Nabaddoonka ku dishay.

Dilka ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhacay meel aan ka Saldhigga Booliska degmada  Afgooye, waxaana Nabadoonku uu sugayey Mooto uu doonayey inuu raaco, balse Mootadii uu doonayey inuu raaco ayey kooxda dishay kasoo dageen sida masuuliyiinta dagamadu u xaqiijiyeen Dalsan.

Kooxihii falka geystay ayaana ka baxsaday goobta ay ku dileen nabadoonkan oo caan ka ahaa degmadaasi, waxaana dilka kadin Howlgallo sameeyay Ciidanka ammaanka, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loosoo qabtay falkaasi dilka ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor