Koox hubeysan oo dhacay Gaari uu leeyahay Taliye ka tirsan Maamulka Galmudug

Koox hubeysan oo burcad ah ayaa habeenimadii xalay aheyd dhacay gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha oo uu leeyahay Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug G/sare Qaasim Shiikhdoon.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay ku warrameen in gaariga xiligii la dhacayay uu taagnaa meel ku dhow Hotelka Five Star ee ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dableyda hubeysan ee dhacay gaariga uu leeyahay Taliyaha qaybta Booliska G/sare Qaasim Shiikhdoon ay fal dhaawac ah u geyteen darawalkii waday gaariga la dhacay.

Darawalka la dhaawacay ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo, isla markaana waxaa durbo goobta ka baxsaday raggii dhacay gaariga Taliye Qaasim Shiikhdoon, lamana oga halka ay la aadeen.

Weli Taliska Booliska ee Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaan ka hdlin falkii dableyda hubeysan ku dhaceen gaariga Taliye Qaasim Shiikhdoon, wuxuuna gaarigaas ahaa midka nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor