Koox hubeysan oo Caawa rasaas ku furtay Masjid ku yaalla Galgaduud

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Masaajid ku yaalla gudaha Magaaladaas rasaas lagu furay, kadib saaladii maqrib ee Caawa.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen Masaajika oo lagu magacaabo Beder ee Guriceel, iyagoona raggii ka dambeeyay falkaas oo la aqaan waxa ay ahaayeen goobta ka baxsadeen.

Dad xiligaas ku sugnaa agagaarka Masjidka ayaa ku warramay in aysan cid wax ku noqotay rasaasta raggii hubeysnaa ay fureen, balse ku dhacday qeyb kamid ah derbiga Masjidka.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Guriceel ayaa daqiiqado kadib tegay Masjidka, iyagoona intaas bilaabay howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay falka lagu rasaaseyay Masjidka.

Dadka deegaanka ayaa ka naxay markii ay maqleen in Masjidka Beder la rasaaseeyay, waxaan dhacadaas Caawa la xusay in dadka deegaaka ay hadal hayaan, isla markaana laamaha amniga ka dalbaday in dadkii arrintaas sameeyay gacanta kusoo dhigaan.

Masjidkan ayaa kamid ahaa Masaajidyadii ku xirmay Dagaalladii Magaalada Guriceel kal horey ku dhexmaray Ahlusunna Waljameeca iyo Al-shabaab, iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka Shirkadda Bader ee Guriceel.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media