Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii Caawa gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka.
Dad ayaa waxay ku warrameen in Askariga uu u geeriyooday rasaas ay ku fureen rag dhalinyaro oo watay Bastoolad, xili uu saarnaa Mooto Bajaaj mareysay xaafadda Kooshin ee Baladweyne.
Askariga la khaarijiyey ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Qeyleeye, isla markaana waxaa durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas ka dhacay xaafadda Kooshin.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Caawa Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Hirshabeelle ay howlgal baaritaano ka wadaan Magaalada Baladweyne, welina ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada.
Si kastaba Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay Askar, Mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.