Koonfur Galbeed oo soo saartay Go’aan Cusub oo looga hortegayo COVID-19

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta soo saaray Go’aan Cusub oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Koonfur Galbeed ayaa hakisay isku socodka gaadiidka rakaabka ee ka tega Muqdisho ee aada deegaanada Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Maamulkaas ayaa waxaa lagu sheeay in laga bilaabo 16-ka Bishaa April la joojiyay gaadiidka rakaabka ee tegi jiray deegaanada Koonfur Galbeed si looga hortego faafida Cudurka COVID-19.

Shacabka ku dhaqan deegaanadooda ayaa waxaa ay ku wargeliyeen inay joojiyaan safaradooda Magaalada Muqdisho, waxaana Iskaashatada gaadiidka rayidka Koonfur Galbeed la faray inay fuliyaan amrka lasoo saaray.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee KGS.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media