Koonfur Galbeed oo soo saartay Amar saameynaya Gaadiidleyda

Shirka ay yeesheen Guddiga oo uu shir Guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa waxaa loogu hadlay arrimihii ugu danbeeyay COVID-19 ee deegaanada Maamulka iyo sidii wax looga qaban lahaa Cudurka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Amar cusub oo ku socda gaadiidleyda Bajaajta iyo dhaweeyaha ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana amarada ay yihiin kuwo looga hortegayo faafida Cudurka COVID-19

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay laga bilaabo 24-ka bishan Maarso ilaa 27 Marso 2021, dhammaan deegaanada Maamulka aysan ka shaqeyn doonin Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta iyo dhaweeyaha.

Sababta ayuu Wasiir Ilyaas Saciid Cali ku sheegay inayn tahay mid la xiriirta u hogaansamid la’aan Go’aanadii ay dhawaan soo saareen Guddiga ee kamidka ahaa xirashada Afsaarka (Face mask) iyo in dadka ay kala fogaadaan.

Ugu danbeyn Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dowlada Federaalka Soomaaliya, Hey’addaha inay kaalin muuqata ka qaataan baahiyaha kajira deegaanada Koonfur Galbeed ee ku aadan cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor