Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku-xigeenkii siyaasada Gobolka Shabeellaha Hoose Xasan Abuukar Jimcaale.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeelle Hoose loogu Magacaabay inuu noqdo Abuukar Cabdalla Bashir, isagoo bedelaya Xasan Abuukar.
Mas’uulka Cusub ee la Magaacabay ayaa waxaa la faray inuu si toos ah u gubto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo Maamulka Gobolka.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah.