Koonfur Galbeed oo beenisay War xasaasi ah oo laga faafiyay

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Maamulka Koonfur Galbeed uu hor istaagay wadahadalo dhexmari lahaa dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka, hayeeshee waxaa arrintaas ka hadashay Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwa been abuur ah oo la dhoodhoobay, isla  markaana arrintaas aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale Qoraalka Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ay Guddi u saareen wadahadaladda labada dhinac, kuwaasi oo weli ka doodaya Ajendaha Shirka, goorta iyo  halka uu Shirkas ka dhici doono.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa xusay in Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay inuu marti-geliyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, isla markaana Madaxda lagu soo dhaweeyo Magaalada Baydhabo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media