Kim Yo Jong oo kamid noqotay dejiyayaasha siyaasadda Kuuriyada

Gabadha ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa olole cusub oo ka dhan ah dalka kuuriyada koonfureed, taasoo dadka wax odorosa ay ku sheegeen in door siyaasadeed oo wax ku ool ah ay ku caawineyso walaalkeed.

Haweeneydaan oo la aaminsanyahay in ay jirto 30 sanno Kim Yo Jong ayaa ah qofka kaliya ee qoyskiisa ugu dhaw  hoggaamiayha kuuriyada waqooyi ee ka ciyaareysa siyaasadda door muuqda.

Intii lagu guda jiray sanadihii 2018-2019 duulaankii diblomaasiyadeed ee caalamiga ahaa, ayaa Kim Yo Jong waxey indhaha caalamka ku soo jeedisay wafdi ay hoggaamineyso oo tegay ciyaarihii Olombikada xagaaga ee lagu qabtay dalka Koofurta Kuuriya.

Waqti dambe ayaa haddana waxaa la arkay iyadoo hubineysa waxa u hagaagay walaalkeed ka weyn oo ku sugan goob tareen oo uu kula kulmayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku taalla  dalka Vietnam.

Ms Kim, ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka ku jira liiska cunaqabataynta Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media