Kiisas hor leh oo Cudurka COVID-19 ah oo laga helay Puntland

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Qoraal lagu daabacay Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-saac ee lasoo dhaafay laga baaray 18 qof, isla markaana laga helay 3 kamid dadkaas, lana geliyay xaalad karantiil ah si aysan Cudurka usii faafin.

Dadka xanuunka laga helay ayaa da’dooda waxaa ay u dhexeeysaa 22 sano jir ilaa 32 sano jir, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana Cudurka ka bogsatay 3 qof oo uu horey ugu dhacay.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa haatan gaartay 343 qof, waxaa u dhintay 9 qof, iyadoona ka bogsadeen 170 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media