Khilaafka Somalia iyo Kenya oo saameyn ba’an ku yeeshay Ganacsiga Qaadka

Waxaa toddobaad laga joogaa markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay u yeeratay safiirkii u fadhiyay Magaalada Nirobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkan midkii Kenya-na ay ku amartay in uu wadatashi ugu laabto dalkiisa.

Xiisadda diblomasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa saameyn ba’an ku yeelatay ganacsiga khaadka ee Kenya, waxayna beeraleyda jaadka iyo ganacsataduba sheegeen in ay ceyrtoobeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sannadkan joojisay jaadka uga yimaada Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojinta jaadka sababta uga dhigtay cudurka Corona, haseyeeshee haatan waxaa lagu soo warramayaa in midka Itoobiya uu ka dego magaalooyin dhowr ah oo gudaha dalka ah.

Qaar ka mid ah beeraleyda jaadka oo noolal ahaan ku tiirsanaa jaadka waxay sheegeen in hadda beeraha aysan laheyn nacfigii ay waagii hore u lahaayeen.

Ururka ganacsatada jaadka ee Kenya waxay sheegeen in maalintiiba ay Soomaaliya u dhoofin jireen 50 tan oo jaad ah, waxayna ka heli jireen lacag ka badan 140 kun oo dollar, balse hadda oo aanay taas jirin. Waxaa jiro jaad yar oo lagu iibiyo gudaha Kenya, halka inta kalena ay qubaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media