Khasaaro ka dhashay weerarkii lagu qaaday Guriga mingiska lagu tumayay  

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Nin hubeysan oo weerar ku qaaday salaadii casir kadib Guri Mingiska lagu tumo oo ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir.

Nin ku hubeysan qori AK47 ayaa rasaas xoogan ku furay dadweyne badan oo ku sugnaa Guriga lagu tumaayay Mingiska oo sigaar ah ugu yaalla agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf ee Degmada Warta-nabadda.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee guriga ku sugnaa.

Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu furay Guriga, halka 9 qof kalena oo u badnaa Haween ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa si Deg deg ah loogu qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa tegay Guriga uu falku ka dhacay, waxaana sidoo kalena ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay raadinayan Ninkii weerarka geystay goobta ka baxsaday, lana sheegay in xoogaa Madaxa looga jiray.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in Guriga weerarka lagu qaaday markastu lagu tumi jiray Mingiska, isla markaana halkaas ay tegi jireen dad kala duwan, waxaana Sawirro laga soo qaaday Guriga uu muujinayay inuu ku yaallo xaafad isku raran ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Nin ku hubeysnaa Qori Ak47 uu weerar ku qaaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah oo ku yaalla deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, waxaana ku dhintay 4 qof, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media