Khasaaro ka dhashay Qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Jowhar.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob shaah lagu Cabo oo ku taall bartamaha Jowhar gaar ahaan halka laga raabo gaadiidka soo aada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u shegeen in qaraxaas uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Jowhar.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoona halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxa.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media