Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Magaalada Marka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed si weyn jugtiisa looga maqlay Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lahelayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa yimid kadib markii meel u dhaw Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaaladaasi Lagu tuuray Bom-gacmeed, kaasi oo jugtiisa si weyn loo maqlay, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Saldhigga ayaa ku yaalla halka loo yaqaanna Suuqa dhoobayda, waxaana markii Bom-ka lagu tuurayay goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo dad shacab, iyadoo uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo dhaawacyadooda  la gaarsiyay goobaha Cafimaadka ee Magaalada ku yaalla.

Isku socodka guud Goobta ayaa la xiray, waxaana socda Baaritaanno, iyadoo goobta ay soo gaareen Ciidan kale oo Boolis ah, kuwaaasi oo ammaanka adkeeyay.

Wali Maamulka Magaalada Wax war ah kama soos aarin Bom-kaaasi lagu dhaawacay dadka shacabka, waxaana goobta la beegsaday ku sugnaa dad shacab u badan, oo qaarkood ay ahaayeen muruq-maal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor