Khasaaro ka dhashay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan Degmada Wadajir

Faah fahinno dheerad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Hoobiyaal Saaka lagu garaacay xaafad u dhow garoonka diyaaraha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde , waxaana ka dhashay khasaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 3 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyoodeen hobiyaashaasa Saaka lagu garaacay aagga xalane.

Wararku waxaa intaasi ay kusii darayaan in  4 kale oo dad shacab ah ay dhaawacmeen waxaana xerada Xalane dagan madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Khasaraha ayaa lagu soo warramayaa in ay macquul tahay in uu intaas ka badan yahay waxaana si gaar ah ay hoobiyaashu ugu habsadeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir, waxeyna sidoo kale geysteen burbur soo gaaray goobihii ay ku dhaceen.

Wali laama amniga wax war ah kama soo saarin Hoobiyaasha lagu garaacay xaadaha ka tirsan Degmada Wadajir, waxaana wararka qar ay sheegayan in bar-tilmaameedku ahaa xerada xalene oo ay daggan yihiin mas’uuliyiin iyo hay’ado caalami ah.