Khasaaro ka dhashay Diyaarad weyn oo ku burburtay Kazakhstan

Afar qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad militiri oo ka soo duushay caasimadda dalka Kazakhstan ee Nur-Sultan ay ku burburtay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Almaty, sida ay sheegtay wasaaradda gurmadka deg dega ah dalka ku yaala bartamaha qaaradda Asia.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa An-26 ayaa waxaa saarnaa lix qof, wakaaladda wararka Russia ee Interfax ayaa soo warisay in diyaaradda ay lahaayeen ciidanka ilaalada xuduudaha dalka Kaxakhstan.

“Sida xog horudhaca ah ee aan helnay sheegayso afar qof ayaa dhimatay halka labo kale la dhigay isbitaal ,” ayaa yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda gurmadka.

Wakaaladda wararka Reuters oo warka qortay ayaa waxaa ay sheegtay in sawiro goobta burburka laga soo qaaday lagu arkayay diyaaradda oo qaliban isla markaana dab ka baxaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor