Khasaaro ka dhashay dagaal Beeleedyo ka dhacay Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo geystay Khasaaro kala duwan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyaad hubeysan oo halkaas wada-dega.

Dagaalka koowaad ayaa shalay ka dhacay deegaanka Bali Cad oo yaalla inta dhexeeysa Dhabad iyo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in weli maleeshiyaadkii dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan inta dhexeeysa Dhabad iyo Cadaado, waxaana dadka ay sheegeen inay dareemayaa cabsi xoogan oo ku aadan in marka uu dagaal xoogan qarxyo.

Dhinca kale waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa xiga dhanka Xuduudka Itoobiya ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed, wuxuuna salka ku hayaa dagaalkaas aano qabiil.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalada ka dhacay Galgaduud, halka 26 ruux kalena ay ku dhawaacmeen, kuwaasi oo la kala geeyay Isbitaalada ku yaalla Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanada lagu dagaalamay ayaa wada dadaalo lagu joojinayo dagaalada dhiiga ku daatay, kuwaasi oo salka ku haaya aano qabiil iyo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaano ka tirsan Galgaduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media